KABAX CIDLA CIIRSI LA’AANTA – KAALMO DHIBANAHA LA DULMIYEY

Ku ganacsiga dadka waa denbi culus. Taasina waa isticmaalis ka faa’iideysi qof kale. Waxayna ku imaan kartaa qalad u sheegis, qasbitaan, u hanjabis, baqdin gelin ama inaad kaga faa’iideysato daciifnimo qof kale ama marrasnimo, baahi dhaqaale ama dhib kaloo heysta awgeed. Waxyaabahaas oo ku kalifa qofka dhibaateysan in la yiraahdo samee isagoon raali ka aheyn, tusaalle.

  • gadis jirkiisa qaab galmeysi ah
  • qabasho shaqo aan munaasib aheyn 
  • xatooyo 
  • soo dawarsi  
  • guursasho

Ku ganacsiga ama dulminta qofka ma aha mid mar keliya dhacda, ee waa dhacdo tixane ah oo socon karta sanado baddan. Dhibanaha dulmana wey adag tahay sidoo uga bixi karo ama uu ku diido karo isagoon kaalmo ka helin bannaanka.

Suurtogal ma tahay inaan ahey qof lagu ganacsadey/dulman?

Waa suurogal iney adag tahay garashada inaad tahay qof lagu ganacsadey/dulman, mana aha in dhi-banuhu og yahay inuu yahay dhibane qof lagu gancsadey/dulman. Bal eeg iney ku saameyneyso su’aalahan. Haddii ay jawaabtaadu tahay ”haa” waxaa suurogal ah inaad tahay ama astaan u tahay lagu ganacsade/dulmane.

  • Qof miyaa kugu qasbaya inaad sameyso waxaadan rabin sameyntooda?
  • Haddii aad tahay qof u go’ay mukhaadaraad, ma jiraa qof kaaga faa’iideystey baahida mukhaa-daraadka oo ku yiri samee howl, taasood rabin sameynteeda?
  • Ma jiraa qof kaaga faa’iideystey  sharci la’aantaaad ku joogto waddanka oo ku yiri samee howlo aadan rabin inaad sameyso?
  • Ma jiraa qof kaaga faa’iideystey hoy iyo dhaqaale la’aanta ku heysata oo ku yiri samee howlo aadan rabin  inaad sameyso?
  • Ma jiraa qof kugu hanjabaya inuu kuu sheegayo dowlada, haddaadan u yeelin siduu kaa rabo? 
  • Ma jiraa qof kuugu hanjabaya inuu kugu ceebeeyo saaxiibadaa ehelkaaga iwm. Haddii aadan yeelin ammarkiisa?
  • Ma jiraa qof kugu leh deyn, kaasoo, kugu qasbaya inaad sameyso waxaadan rabin?
  • Ma jiraa qof kuu hanjabaaya adiga ama reerkaaga? 
  • Ma u baqaneysaa ammaanka naftaada iyo reerkaaga? 
  • Ma mushaar yar baa lagu siiyey mise lagumaba siin wax mushaar ah waxna kama oran kartid arrinka? 
  • Ma laguu diidey inaad ka hahadasho arrinka ama raadsato kaalmo? 
  • Ma laguu diidey xoriyadaada dhaqdhaqaaq ama socodkaaga lagu dabo dhigey waardiye?
  • Ma daremeysaa in, xaalada aad ku jirto la da’hey meel aad uga baxsato?

Dadka lagu ganacsado/dulman xaq bey u leeyihiin in la caawiyo

Dadka lagu ganacsado/dulman xaq bey u leeyihiin adeeg iyo in la caawiyo. Adeegyadaasna waxaa ka mid ah tusaalle:

  • Hoy amni ah
  • Adeeg daryeel caafimaad 
  • Adeeg arrimo bulshadeed 
  • Guno dhaqaale ama lacagta kaalmada nolosha 
  • Talo-siin sharciyan iyo ka caawin qareen sida sharciga waafaqsan 
  • Adeeg turjubaan iyo turjumis
  • Talo-siin iyo hagitaan xalinta arrinkaaga 
  • Ka caawin iskaa ugu noqosho waddankaaga, haddaad rabto inaad ku noqoto wadankaaga 
  • Tusmo iyo talo la xiriirta dalbasho sharci degenaansho 
  • Ka caawin dacwo oogista denbiga iyo heerka denbiga

Haba yaraatee caawimo waad heli, taas macnaheeda shardi ma aha inaad xog ogaal u tahay inaad tahay dhibane lagu ganacsade/dulman. Caawimada waad heli iyadoon laguu eegeyn jinsiyada aad wato, da’daada, jinsigaaga ama labeeb iyo raga-raga la baxa, diintaada ama fikirkaaga siyaasadeed. Sidoo kale caawimo waad heli kartaa xitaa:

  • inaad adigoon cidana ku qasbin aad arrinkan gashey
  • adigu aad tahay denbiile 
  • sharci daro waddanka ku joogtid

Waxaa lagu caawin karaa oo keliya, markaad caawimo dalbatid.

Finland dhibanaha lagu ganacsadey/dulman waxaa caawiya hay’ada gargaarka dhibanayaasha lagu ganacsa-dey/dulman, kuwaasoo ah shaqaale dowladeed. Hay’adan gargaarka waxay leedahay teleefon heegan ah habeen iyo maalin, kaasood la soo xiriiri karto una sheegan karto xaaladaada iyo baahidaadaba teleefonkuna waa:

+358 (0)2 954 63 177

La soo xiriirista ma aha  in lagugu qasbayo adeega ay bixiyaan ee waa la sheekeysi hay’ada gargaarka aad kala sheekeysaneyso macnaha ay kuu yeelaneyso inaad hesho caawimo kugu habboon adiga. Waad kula soo xiriiri kartaa xitaa hay’ada  foomka internetka laga buuxiyo

Dhibanayaasha lagu ganacsadey/dulman waxaa sidoo kale caawiya hay’ada la dagaalanka ku gancsiga/dulminta. Hay’adaasi waad ka heli adeeg midka ku yar.

Haka cabsan inaad nala soo xiriirto. Waanu ku caawin adiga.